GitHub
Waxaan wax ka qorayaa webka loo yaqaano loona istcmaal badanyhy goortani la tagan yahay oo loo yaqaano (GitHub) - waxaaane u qori doona si la fahmikaro oo ah su'aal iyo jawaab is la socdaan. a. Waa maxay ujeeddada bogga GitHub? GitHub waa madal lagu kaydiyo, lagu maareeyo, laguna wada shaqeeyo koodhadhka ( source code ). Waxay si gaar ah diiradda u saartaa version control , taasoo ka caawisa horumariyeyaasha in ay si habsami leh ula socdaan isbeddelka koodhkooda iyaga oo isticmaalaya Git. b. Yaa loogu talagalay boggan? GitHub waxaa loogu talagalay: Horumariyeyaasha Software-ka – Kuwa ka shaqeeya mashruucyo furan ( open-source ) iyo kuwo gaar loo leeyahay. Shirkadaha Teknolojiyadda – Kuwaas oo u isticmaala kaydinta iyo wada-shaqeynta koodhka. Ardayda iyo Barayaasha – Kuwaas oo u isticmaala GitHub si ay u bartaan horumarinta software-ka iyo maaraynta mashaariicda. webkaani Iyo kuwa badan waxa loo isticmall si ay loo fuliyaan dano gaar iyo guud ba. c. Ma gaadhay ...