HTPPS2
- HTTPS ( Hypertext Transfer Protocol )
A. HTTP/2 waxaa horumarisay Internet Engineering Task Force (IETF), oo ah urur caalami ah oo shaqadiisu tahay horumarinta heerarka internetka. HTTP/2 waxaa laga sameeyay SPDY, oo ahayd tignoolajiyad ay Google horumarisay si loo dedejiyo habka bogagga webku u shaqaynaayo.
B. HTTP/2 waxaa loo soo bandhigay heer rasmi ah 17-kii Febraayo 2015, waxaana si rasmi ah loo daabacay bishii May 2015 iyada oo qayb ka ah RFC 7540.
c.HTTP/2 waxay isticmaashaa dhowr farsamo si ay u yareyso dib-u-dhaca (latency) una dedejiso furitaanka bogagga webka. Saddex ka mid ah farsamooyinka ugu muhiimsan waa:
1. Multiplexing
- HTTP/2 waxay awood u leedahay in codsiyo badan iyo jawaabo badan hal mar la diro iyada oo aan la sugin midba midka kale.
2. Header Compression (HPACK)
- HTTP/2 waxay isticmaashaa farsamada HPACK compression, taasoo yareyneysa xogta laga dirayo cinwaannada codsiyada (headers).
- HTTP/1.1 waxay isticmaali jirtay cinwaanno badan oo xog badan qaatay, taasoo keentay bandwidth sare iyo dib-u-dhac.
3. Server Push
- HTTP/2 wuxuu u ogolaanayaa server-ka inuu horey u diro faylasha uu ogyahay in browser-ku u baahan doono, xitaa ka hor inta aan codsi loo dirin.
- Tusaale ahaan, haddii bog uu u baahdo CSS iyo JavaScript, server-ka wuu soo diri karaa faylashaas iyada oo aan browser-ku codsan.
- Taas macnaheedu waa in boggu uu si dhakhso leh u furmo maadaama xogtii horey loo keenay halkii browser-ku dib uga codsan lahaa.
Farsamooyinkan waxay ka dhigayaan HTTP/2 mid ka dhaqsaha badan HTTP/1.1, taasoo ka caawinaysa bogagga webka inay si hufan oo degdeg ah ugu furmaan isticmaaleyaasha.
by: ZAKARIYA MOHAMED AXMED
Comments
Post a Comment